Murti-Xikmad-

                KA. FAA IIDAYSO —

 * Dadka waxa ugu jaahilsan qofka sharka sameya khayrkana rajeeya. * Qofku wax uu dhawro waxa ugu wanaagsan diintiisa. *Qoom kasta cadowgooda wuxuu ka adkaadaa marka ay is khilaafaan<. * Murugooyinka markay far badtaan way wada dataan. * Naftaaadda hagaaji dadkaa kuu hagaagaya. * Nicmadu waxay ku waartaa shukriga. * Mar mar dadka u booqasho tag wey ku jeclanayaan. * Camal la sameeyo waxa ugu wanaagsan midka la daa’imo haba yaraadee. * Rayiga ayey raciyada ku hagaagt. * Kalah waad farxi. * Caddaalad ayaa dadka lagu hantaa. * Maalka waxa barakeeya sakadda. * Saltanada waxa xejiya caddaaladda. * Taajirka fulayga ahi mar kasta wuu khasaaraa. * Rajo waxa ugu wanaagsan Alle oo lagu kalsoonaado. * Nin rag cadowgiisa waa calooshiisa. * Midhaha cilmiga waa cilmiga oo la falgeliyo. * Jaahilku waddankiisa khariib ayuu ku yahay. * Fulaynimada waa nusqaan. * In badan dadaal in yarna ku qanac. * Ciidammadu waa dhufayska wadamadda. * Xadhigga beentu waa mid aad u gaaban. * Wadamaddu waxay ku camirmaan jacaylka wadanka marka la jeclaado. * Dunida waa maal, aakhirna waa camal (dunida waxa lagu faanaa hanti, aakhrina waxa lagu faanaa camalka. * Aabbahaa dhawr inankaaga ayaa ku dhawriye. * Badbaadadu waxay ku jirtaa dhawrsanaanta. * Geesinimadu waa saacad oo la sabro. * Samirku waa furaha guusha. * Samirku waa xeelad. * Runtu waa badbaado iyo sarreyn. * Dulmi lagalo waxa ugu xun qof liita oo la dulmo. * Caddaaladdu waa guul. * Dhawranaantu waa quruxda faqriga. * Shaqadu waa nolol, raaxaduna waa dhimasho. Shakir Essa Shaakir_ciise@Hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s