Xikmada quraanka

Sirta kalimada TOWXIIDKA لآ اِلَهَ اِلّا اللّهُ مُحَمَّدٌ رَسُوُل اللّهِ !!Byalaxmed/Mar 20, 2015Waxaynu ogsoonnahay cibaaradani)لا إله إلا الله(,inay tahay kalimadda ugu weyn ee qof uu yiraahda. Waa kalimadda ama oraahda uu nebigeenna suubban )NNKH( inoo sheegey qofkii yiraahda markuu dhimanaya inuu gelaya Jannada. Sidoo kale kalmadahani ay ka koobantahay cibaaraddu waa kelmadda ugu horreysa ee lagu soo galo diinta Islaamka, waana rukniga )tiirka( koowaad ee tiirarka Islaamka. Waxaynu ogsoonnahay in rasuulkeenna suubban )NNKH( uu inoo sheegey weynida kalimaddaasi ay qabta haddii koonka oo idil kafad la saaro, cibaaradaasina kafadda kale la saaro inay cuslaan lahayd cibaaradaasi towxiidka.Waxaa haddaba isweydiin mudan maxay karaamada iyo qiimaha intaa dhami ku gaartay kalimaddaasi, waynu ogsoonnahay inay tilmaamayso kelinnimada Ilaah, balse ma waxaa jira asraar kale oo qarsoon oo ay leedahay? Maxay u noqotay kelimadda ugu weyn uguna qiimaha badan adduun iyo aakhiraba? Waa middaasi ta aynu wixii Alle innaga fahamsiiya ama uu nooga fududeeyo aanu ka oran doonnamaanta hadduu Eebbe idmo.Kalimaddaasi waxay leedahay sir raqameed )tiro( oo cajiib ah, taas ayaanna lafaguri doonnaa hadduu Ilaaha idmo.Xuruufta ay ka kooban tahay kalmaddaasi waa noocma?Kalimadda)لا إله إلا الله(, waxay ka kooban tahay saddex nooc oo xaraf ah. Waxay kala yihiin xarafka Alif)ا(, xarafka laam)ل(,iyo xarafka haa’)ه(.Ugu horreynba halkan bay kasoo dhalaashay mucjisadii ugu horreysay ee kalimaddaasi.Saddex xaraf oo isku soo noqnoqota ayay iyada dhan ka samaysan tahay weedhaasi qiimaha badan. Waxayna saddexda xaraf noqdeen saddexda xaraf ee ay sidoo kale ka kooban tahay kalmadda)الله(, subxanallaah!!. Alif laam iyo haa’, ayay sidoo kale ka kooban tahay kalmadda Allaah.Sidaa daraaddeed buu Ilaahay cibaaraddii uu isku sifeyn lahaa ama uu kelinnimadiisa ku tilmaami lahaa wuxuu u doortay inay noqota mid ka kooban inta xaraf ee magaciisa )Allaah( uu ka kooban yahay in lamid ah.Saddex xaraf )ا(, )ل(, )ه(. oo ay ku dhisan tahay kalimadda Allaah)الله(, ayaa sidoo kale waxaa ku dhisan cibaarad tilmaamaysa wax aad u weyn oo ah Islaamka iyotowxiidka Ilaahay oo dhan. Saddexdaas xarfood ayaa uu Ilaahay asaas uga dhigey )ل ا إ ل ه إ ل ا الله(.Sidee Buu Alle ugu Sheegey Nebigiisa )NNKH(?Alle sarreeye asagoo nebigiisa suubban )NNKH( usheegaya weynida kalmaddaasi sidoo kalena baraya qiimaheeda kuna boorinaya inuu ogaado in Alle kale jirin Allaah uun mooyaane wuxuu suuradda Muxammad aayadda19d uu ku yiri)فاعلمأنهلا إله إلا الله(.Bal aan is weydiinna muxuu yahay raqamka19dee aayadda? Maxay tahay sirta ka dambeysaee aayaddu ay ugu soo beegmatay raqamka19d ee suuradda? Raqamka19dwaa raqam mucjisaad Quraaneed, sida raqamka7oo kale. Waana sidoo kale raqam cajiiba ah sida itisaalaadka iyo tiknoloojiyada casriga ka marqaati kacday. Asraar kaloo yaab badan ayuu xagga cilmiga casriga ku leeyahay raqamkaasi. Laakiin dhanka Quraanka markaynu eegno aayadda ugu horreysa ee Quraanka waa bisinka Al Faatixa, waxay ka kooban tahay19xarfood. Sidoo kale aayadda 30d ee suuradda Al Muddathir ayaa raqamkaasi si toos ah u cabbireysa, waxayna oranaysaa. Si gaara buu mudan yahay inaan raqamkaasi uga hadalno, laakiin marka hore aynu qeexna xuruufta kalimadda.Kalimaddan )لا إله إلا الله(waxay ka kooban tahay nooc ahaan saddex xaraf, oo soo noqnoqota. Marka la tiriyana waxay noqonayaan 12 xaraf,ل-ا -إ-ل-ه -إ-ل-ا -ا -ل-ل-ه1- 1- 1- 1- 1- 1- 1- 1- 1- 1- 1- 1=12 xarfoodTaasoo lamida bilaha sanadka ee hijriga. Bimacnaa halkii xaraf ookamid ah wuxuu u dhigmaa 30 maalmood )hal bil(. Nebigu)NNKH( wuxuu inoo sheegey in kalmad kastoo kamid ah dikriga iyo adkaarta iyo Quraanka halkii xarafba uu u dhigamaya 10 ajar. Bimacnaa xasanad kasta waa 10 ajarkeeda. Laakiin haddii halkii xaraf ee kalmaddan aanu kor kusoo xusnay uu u dhigamaya 30 maalmood, waxay ka dhigan tahay halka xaraf inuu u dhigmo 30 darajo oo ajar ah. Taa waxay kutusineysaa inay la qiimo iyo ajar ahayn kalmadaha kalee Quraanka, dikriga iyo adkaarta. Waxayna dheertahay labo jibbaar, bimacnaa 20 darajo.Waxay sidoo kale ka kooban tahay afar kalmadood.–لا–إله– إلا-الله– 1- 1- 1- 1=4 kalmadoodTaasoo lamid ah bilaha afarta ah ee xurmeysan ee sanadka )Rajjab, Dil Qacdah, DilXajja iyo Muxarram(.Dhismo Raqameed Cajiib ah iyo Caalaqada raqamyada 7 iyo 19Haddii aayadda uu Ilaahay ku barayay nebigiisa suubban)NNKH( kelinnimadiisa iyo qiimaha cibaarada–لا–إله– إلا-اللهay ku jirtay suuradda Muxammad, aayadduna ay ahayd aayadda19d, bal aynu dib ugu laabanno, qeexid iyo calaaqada raqameed ee ka dhaxaysa kalmaddan iyo raqamka19.Ugu horreyn aanu qorna cibaarada oo dhan, dabeetana aan ku hoos qorna kalmad kastoo kamid ah inta xaraf ee ay ka kooban tahay raqamka muujinaya. Taniwaa luuqadda raqameed, ee ugu caansan luuqadaha adduunka, waxayna muujineysaa in Quraanka hadduu Carabi kusoo degey uu u soo degey dhammaan dadyowga dunida, siduuba Ilaahay meela badan taasi ku muujiyey, isagoo inooga warramaya in Muxammad )NNKH( uu u direy basharka oo dhan Carab iyo Cajamba. Haddaba luuqaddan oo cid kastaahi ay fahmi karta ayuu Ilaahay u adeegsaday kitaabkiisa si loo fahma mucjisada iyo balaaqadadiisa cajiibka ahi.Sidaa darteed aanu qorna marka hore cibaaradda oo dhan-لا- إله- إلا- الله– 4 —-3—–3—–2Kalmad kasta inta xaraf ee ay ka kooban tahay raqamka xaqiiqda ah ee tilmaamaya marka lagu hoos qora, waxaa inoo soo baxaya afartaasi raqam ee kalaah4 3 3 2.Haddaynu sidey yahiin isugu dhaweyno waxaynu heleynaa ama ay noqonayaan sidan4332,taasuna waa raqamka19oo labo mar la isku dhuftay, dabeetana lagu dhuftay inta xaraf ee ay kalmadda mubaasharatan ka kooban tahay oo ah12.12x 19×19=4332Subxanallaah!!.Waxaad isweydiisaa maxay tahay labo jibbaarka raqamkan19)yacni 19,19( iyo raqamkan12? Miyay wax calaaqa ah tiradani la leedahay raqamka7ee ah midka asaasiga u dhismaha raqameed ee Quraanka,iyo aayadaha kowniga ahi?Tiradani )4332( arqaamta aynu ku helnay waxay ahaayeen raqam mucjiseedyadani12)xuruufta kalimadda Laa’Ilaah Illaa- Allaah( x19)raqamka aayadda kujirta suuradda Muxammad ee tilmaamaysa kalimadda towxiidka( x 19 )xuruufta aayadda ugu horreysa ee Quraanka kariimka(.Haddaba haddaynu raqamyadani )12,19,19( siday yahiin isu garba dhigna sidee bay noqonayaan? Waxay noqonayaan121919.Taasuna waxaynu ku heli karnaa dhowr jibaarka raqamka7. Subxanallaah!! waa calaaqada cajiibka ah ee tirooyinkani iyo raqamka7ka dhaxaysa.7x 17417 =121919 Subxanallaah!!Haddaynu raqamyadaasi )121919( si caksi ah ka dhigno, waxay noqonayaan sidan 919121,bimacnaa taasoo ah sidoo kale raqamka7oo dhowr jibbaaran. Subxanallaah!! waa taas calaaqada cajiibka ee kalimaddan iyo raqamka19iyoraqamkeeda12d iyo raqamka7ka dhaxaysa.7x 131303= 919121Subxanallaah!!.Mar kale haddaanu ixtimaalno oo raqamka goonida ahi aanu dhexda gelinna labada raqam ee isu egna aan labada dhinac marinno waxaa inoosoo baxaysa sidan 191219, Subxanallaah!! tanina waa dhowr jibbaarka raqamka7.7x 27317= 191219 Subxanallaah!!.Haddaynu sii ixtimaalno mar kale, waxaynu sameynay labada raqam ee isu eg ayaan labada dhinac marinnay, raqamka goonnida ahina dhexda ayaan gelinnay, markaasaynu helnaay sidan 191219. Haddaba haddii tiradan aan si caksi ah u qorna waxaa inoosoo baxaya sidan 912191, subxanallaah!! tanina waa dhowr jibbaarkaraqamka7.7x 130313=912191 Subxanallaah!!.Maxaa tani loola Jeedaa?Waxaa loola jeedaa Allaah sarreeye wuxuu cibaaradda iyo oraahda ugu qurxoon ee isaga isku sifeeyay uu u doortay arqaam cajiib ah iyo xuruuf cajiiba oo aanan ka badneyn 3 xaraf, kuwaasoo sidoo kale uu horey magaciisa )Allaah( ugu soo koobay. Waxayna daliil iyo burhaan u tahay tani xaqnimada towxiidka iyo Quraanka kariimka ah ee xaggiisa ka yimid Subxaanah!!.Maxaa kale!!?Intaas oo qura maahan xaajadu, balse aynu mar kale eegno cibaaradda quruxda badan iyo xuruufteeda-لا- إله- إلا- اللهWaxay xuruufteeda ka kooban yahiin sidaan horeyba u soosheegnay saddex nooc xaraf ah, oo kala ah Alif, Laam, iyo haa’. Haddaba aynu is weydiinno xaraf kastaa oo kamid ah cibaaraddani inta mar ee uu kusoo arooray ama kusoo noqnoqday isla cibaaraddan.Xarafka alif aanu siinna raqamka 1, xarafka laam aanu siinna calaamaddan #, xarafka haa’ aanu siinna caalamaddan ¤.-ل- ا- إ- ل-

Contact on facebook

https://m.facebook.com/Shaakir7?refid=7

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s