Gebo gabada Dunnida

Gebagabada dunida!

Gebagabada dunida!

Culimadii hore iyo kuwa haatan joogaaba waxa ay in badan isku hawleen isla markaasna wax badan ka qoreen calaamadaha ama astaamaha lagu garto soo dhawaadka maalinta dunida la gabagabaynayo ama qiyaamaha. Walina may joogsan ee way socdaan ka hadalka laga hadlaayo astaamaha lagu garto soo dhawaadka qiyaamaha. Waxa aan shaki ku jirin in marka arrimaha noocan oo kale ah laga hadlayo aan loo doonanayn meel aan ahayn Kitaabka Qur’aanka kariimka ah iyo Axaadiistii Nebiga NNKH.

Haddaba calaamadaha qiyaamaha waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah:

Calaamadaha yaryar: Oo u sii kala baxaya laba nooc:

Nooca koowaad: calaamado fog

Calaamadahani waa kuwo soo baxay oo la arkay isla markaasna waa calaamado yar yar oo muddo laga joogo dhicistoodii. Waxaana tusaale aynu usoo qaadan karnaa: Soo bixiddii Nebiga CSW, kala jabkii dayaxa iyo ololkii waynaa ee Madiina ka soo baxay.

Nooca labaad: calaamado dhexe:

Calaamadahani waa kuwo soo baxay siina kordhaya maalinba maalinta ka danbaysa waxaana ka mid ah: in la arko dadkii xoolo dhaqatada ahaa oo ku tartamaya dhismaha guryaha iyo in ay soo baxaan soddon beenaale oo sheeganaya Nebinimmo.

Calaamadaha waawayn: calaamadahani waa kuwa uu qiyaamuhu ku xigi doono. Waa toban lamana arag wali. Xudayfa oo ah saxaabi ka mida saxaabadii rasuulka ayaa yidhi “Nebiga NNKH ayaa nagu soo baxay annaga oo wax akhriyayna, markaas ayuu na waydiiyay ‘Maxaad akhriyaysaan’ waxaanu ku jawaabnay ‘Qiyaamaha’ waxa uu yidhi ‘Qiyaamuhu dhici maayo illaa aad aragtaan toban aayadood hortii” wuxuuna noo sheegay:

QiiqDijaalDaabbadCadceedda oo galbeed ka soo bixi doontaSoo deggidda Nebi Ciise CSYa’juuj iyo Ma’juuj

Iyo saddexda Dhul gariir (Dhul go’)

Dhul gariirka cadceed ka soo baxaDhul gariirka cadceed ka dhacaDhul gariirka Jasiiradda carabtaIyo dab ka soo bixi doona Yemen oo dadka kala firdhin doona

 

Axaadiis kalena waxa ay ku daraan:

Soo bixidda MahdigaDumitaanta kacbadaQur’aanka oo dhulka laga kor qaadi doono

 

Haddaba aynu soo qaadanno Calaamadaha yaryar oo sidaynu hore u soo sheegnay isugu jira kuwa la arkay oo dhacay iyo kuwo aan wali dhicin.

Qaybta hore: Calaamadaha yaryar ee Qiyaamaha islamarkaasna dhacay:

Soo bixiddii Nebiga CSWDhimashadii Nebiga CSWDillaacii DayaxaFurashadii ‘Baytal Maqdas’Badashada iyo soo bixidda FitnadaSoo bixidda ‘Khawaarijta’ ( dad dadka Muslimka ah gaalaysiiya)Soo bixidda dab ka imanaya XijaasDagaalka TurkigaSoo bixidda rag si dulmi ah dadka ulo ugu garaacayaDagaalka oo badanayaAmaanada oo la dayacoRaacidda dariiqooyinkii dadkii horeSoo bixidda dumar dhar gashan haddana qaawanBadashada dhismahaSalaanta gaarka ah (dadka oo salaama cidda ay garanayaan oo kaliya)Ganacsiga oo awood yeelanayaDumarka oo raggooda la wadaaga ganacsigaMarkhaati beenaalahaAqoon darrada oo badataEhelka oo la jaroJaarka oo la xummeeyoDanbiyada oo bataKii aaminka ahaa oo aan la aaminayn iyo tuuggii oo la aaminayoCilmiga oo aan Ilaahay dartii loo baranaynRagga oo xaasaskooda u dhega nuglaada hooyooyinkoodna caasiyayaSaaxiibbada oo loo dhego furnaado, aabbayaasha oo la diidoMasaajidka oo codka kor loo qaado (dadka oo masaajidada gudahooda ku sheekaysta kuna murma)Xidhashada xariirta oo la xalaashado ‘ragga’Cabista khamriga oo la xalaashadoTumista aaladaha miyuusiga oo la xalaashadoDadka oo geeri loo rajeeyoQurxinta guryaha oo lagu talax tagoQoraalka iyo faafiddiisa oo bataGeerida kadiska ah oo badata ‘Mawtul qafle’Waqtiga oo isu dhawaadaBeenta oo badataDhulgariirka oo bataDumarka oo bataRagga oo yaraadaBuurnida oo badata

Qaybta labaad: calaamadaha yar yar se aan wali dhicin waxaa ka mid ah:

Soo bixidda Badalaadda (Iyadoo laga badalayo sidii hore ee uu ahaa, loona badalayo si ka xun sidii hore sida dadka oo loo badalo xayawaan)Roob da’aya haddana aan dhulka waxba ka soo saari dooninDagaal dhex mari doona Muslimiinta iyo YahuuddaBuuraha oo dhaqaaqi doonaNin reer binu Qaxdaan ah oo dadku adeeci doonaanQur’aanka oo laga kor qaadi doono kutubta iyo laabahaQaybo ka mid ah Carabta oo dib ugu laaban doona caabudiddii SanamyadaKacbada oo uu burburin doono nin xabashi ahiDhismayaasha oo ku badan doona Maka.Soo bixidda Mahdiga

Xigasho: Sheekh Maxamed Binu Cabdiraxmaan Al-Careeyfi, Buugga ‘Nihaayat Al-Caalam’

Follow on facebook

Shakir Essa

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s