Sida loogu sameeyo Facebook powerPoint

PowerPoint sida Loogu Daabaco Facebook

Daabace: Mohamed Ali – AqoonKaal | Taariikh: Monday, January 18, 2016 

Click next lesson

Su’aal uu akhriste #AqoonKaal isoo weydiiyey ayaa u qornayd sidan: Waxaan rabaa inaan page-kayga Facebook ku xiro ama ku daabaco PowerPoint ee sidee yeelaa?

Su’aashaas uu isoo weydiiyey akhriste AqoonKaal.com, waxaana uga jawaabayaa si caam ah, si akhristayaasha kale ay ugu noqoto aqoon-kororsi.

Sida caadiga ah Facebook-ga si toos ah looguma daabaci karo PowerPoint. Laakiin nasiib wanaag waxaa jira xirfad sahlan oo marka la adeegsado ay fududahay in lagu daabaco wixii uu xambaarsanaa PowerPoint, taas oo la xiriirta in loo badalo video. Arrintaas si aad u samaysid raac habkan:

FG: nidaamkan si aad u raacid waa in aad adeegsatid PowerPoint 2010 iyo wixii ka dambeeyey.

1. Adigoo adeegsanaya barnaamijka PowerPoint, fur faylka aad doonaysid in Facebook ku daabacdid.

2. Faylku marka uu ku furmo barnaamijka PowerPoint:

Riix FILE .. Save AsBarta Save as type u badal Windows Media Video (*.wmv) ama MPEG-4 Video (*.mp4)Riix batoonka Save

3. Markaas waxaa faylkii isu badalayaa video – waxaana qaadanaysaa daqiiqado ama waqti dheer, taas oo ku xiran awoodda computerka iyo culayka faylka aad badalaysid.

4. Xaqiiji in video-ga uusan ka weynayn miisaanka loo ogol yahay Facebook oo ah 1,024 MB, taas si aad u hubisid:

Dhanka bidix ee hagaha (mouse-ka) ku riix faylka video-ga ee aad samaysay, markaas daaqada soo baxda dhankeeda hoose riix barta Properties.Qayta “General” ka eeg miisaanka faylka video-ga, waxaadna xaqiijisaa in uusan ka badnayn 1,024 MB (oo u dhiganta 1 Gig)

(FG: Haddii video-gu ka badan yahay miisaanka 1 Gig, waa in lakala jaro oo laga dhigo dhawr qaybood oo qaybtiiba inta ay soconayso aysan ka badnayn 20-daqiiqo)

5. Marka aad diyaarisid Video-ga, Facebook gal adigoo adeegsanya naanaysta/username iyo furaha aad sida caadiga ah ugu gashid.

6. Markaas riix linkiga “Photo/Video

7. Kaddib riix “Upload Photos/Video”. Markaas faylkii video-ga ka raadi meeshii aad kaga xeraysay computerka, markaad heshid riix batoonka “Open”.

8. Waxaa markaas furmi doonta daaqad aad ku qori kartid hordhac kooban ee video-ga. Marka aad qortid guji barta “Publish“, markaas ayaa Video-gii ku bilaabmayaa Facebook in uu ku dalacmo. Waxaynaa qaadanaysaa cabbaar ama daqiiqado taas oo ku xiran miisaanka video-ga iyo xawaaraha khadka internetka aad adeegsanaysid.

Halkaas marka aad soo gaartid waxaad ku guulaysatey in aad PowerPoint u badashay Video, kaddibna aad ku daabacday Facebook, halkaasna ay asxaabtaadu ka daalacan karaan.

Waxaan rajaynayaa in aad xirfad aqooneed ka faa’idey qormadan AqoonKaal.com.

Qore: Maxamed Cali
@aqoonkaal

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s