Taariikhda Hadraawi


(function(w,d,s,l,i){w[l]=w[l]||[];w[l].push({‘gtm.start’:
new Date().getTime(),event:’gtm.js’});var f=d.getElementsByTagName(s)[0],
j=d.createElement(s),dl=l!=’dataLayer’?’&l=’+l:”;j.async=true;j.src=
https://www.googletagmanager.com/gtm.js?id=’+i+dl;f.parentNode.insertBefore(j,f);
})(window,document,’script’,’dataLayer’,’GTM-P9JH58Z’);

Taariikhda hadraawi Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi)waa hal-abuur maanseed, oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood.Maansadiisu waa dawan, baaq, hodan, xigmad, murti iyo qaylo dhaan xilliga argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo. Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka la dulmiyayo.Wuxuu Hadraawi la jaalyahay dadka maxaysatada ah, kuwa aan marnaba ka tegen hidahooda,iyo dhaqankooda, wuxuu kaloo la jaal yahay dadka diinta u dooda iyo cilmiga wax barashada.Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa dadka-dadka dulmiya, booba,dhaca, yasa,xaqira, dadka is waaweyneeya, dhaqankooda tuura, muslimnimadooda ka taga. Hadraawi hal-abuurnimadiisu waa iftiinka xilliga mugdigu saameeyo umadda, waa ileyska lagu hirto marka dulmigu uu xaqa hadheeyo,waa mid ka talisa aayaha ummada Somaliyeed, waa kala hagga ummada Somaliyeed, xagkasta oo la eego, hadday tahay laba jacayl lagu kala furdaaminayo iyo laba dagaallagu kala dhaqaajinayo,laba gar loogu naqayo, laba wax qaybsanaysa oo loogu kala saami tuurayo, qof wax dulmiyaya oo loo sheegayo waxa uu qaldaayo,dhinnac kasta oo ummadu ka jilic san tahay hal-abuurnimadiisu way ka soo gashay. Waxa Hadraawi yahay qarnigan aynu joogno ninka keliya ee Somali u siman aan marnaba ka talin in uu hal abuurnimadiisa ku caayo reer, kun dulmiyo dad, ku yaso ama xaqiro qof ama dad.Hadraawi waa ninka keliya ee Somali soo maray ee aan weli lagu arag isagoo qof ama dad ku maagaya maanso ama gabay,marka laga reebo keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre,Hadraawi waa ninka keliya ee abwaanimadiisa loogu saxeesayo in uu yahay waddani, waa ninka keliya ee suugaantiisa aan aan laga helin iin ama qalooc, waa ninka keliya ee la odhan karo waa abwaan, hal abuur, suugaan yahan ah, Hadraawi waa nin illaahay hibo u siiyey hal-abuurnimada, abwaanimada,Magaca Hadraawi wuxuu kula baxay, isagoo aad u yar oo Cadan malcaamad ku dhiganaya, ayaa macalinkiisii oo nin carab ahaa ayaa wuxuu arkay isagoo caruurtii quraanka dhiganaysay jeediyey oo sheeko caruureed uu miyiga ku soo bartay uga sheekaynaya,caruurtaas oo carabta ku dhalaytay xiisaynaysana sheeko caruureedda, ayaa macalinkii maalin maalmaha ka mid ah wuxuu isi soo daba taagay Hadraawiyoo caruurtii laga doonayey inay wax akhriyaan sheeko caruureed dabada u haya. Macalinkiisii ayaa inta uu dhenged dabada u qabtay ku yidhi.(inama anta hadrun) Intaas oo carabiya macnaheeduna yahay waxaad tahay mid hadal badan


Amal    Dib U laabo

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s