Sirta qarsoon Turkey iyo shirkada albaraik investment ee Somalia

Shirkad yar oo aan lahayn itaal badan oo ay wax ku maalgalin karto oo magaceeda la yidhaa Albayrak Group oo kuwa guryaha iyo waddooyinka dhisa ah oo la ga leeyahay dalka Turkiga ayaa hadh cad damacday dekedda Muqdisho. Dawladda Turkiga ayaa u weyddiisay dawladdii Xasan Sheekh ee Muqdisho bishii October 2013.

Isla maalmo gudahood ayaa la gu siiyey Albayrak Group dekeddii Muqdisho iyada oo aan wax heshiis ah nooca uu doono ha noqdo e, aan la la galin dawlad ku sheegta Xamar. Ma jiro cid wax kala saxeexatay iyo heshiis barlamaan la horkeenay midna.

Shariikadda Albayrak waxa ay tan iyo 2014 iska dhuuqaysay deked aan cid kula xisaabtantaa jirin oo aan wax la gu heshiiyey oo saami ahi aannu jirin. Saddexda qaybood ee dakhliga dekedaha marka aad eegto, Albayrak waxa ay 100% qaadataa waxa loo yaqaan ‘Ship/Boat Handling’ oo ah rarniinka iyo degsiimaha agabka dhoofka iyo wax la soo degista (Import and Export Loading and Unloading Services).

Sidoo kale waxa ay Albayrak Group 100% qaadataa waxa loo yaqaan ‘Berthing Charge’ oo ah adeegga dhaxniinka iyo soo xidhashada maraakiibta iyo doonyaha oo ah meel uu dhaqaale weyni yaal. Dhanka kale waxa ay Albayrak Group iska maamulataa dakhliga ka soo gala containers ka kiradu ay ku daahdo ee loo yaqaan ‘’Demurrage’’, ganaaxyada alaabaha la faaruqin waayo ee loo yaqaan ‘’Detention’’ iyo agabka sii dhigashada ee kaydinta ee loo yaqaan ‘’storage Fee’’.

Albayrak Group waxaas oo dhami iyada ayey gacanta u soo galaan cid kula xisaabtami kartaana ma jirto – waayo heshiis ma jirin iyo saami la kala qaatay. Dhanka kale lacagta Customs Revenue loo yaqaan oo ah cashuurta dhoofinta iyo la soo degista agabka la ga qaado oo ay ahayd in 100% aan Xamar loo gu iman ayey 45% ka jarataa Albayrak Group, oo ay ka sii jaran doontaa 20 sano ee soo socda sida ay sheegtay. Waayo dekedda ayey dib u habayn ku sameysay keliya! Lacagta cashuurta xataa Soomaaliya ma oga ee hadba inta shirkada Albayrak ugu sheegto ayaa la ga siiyaa 55% oo aan adeeg dakhli oo kale aannu la socon.

Cashuurtii marka horeba gacanta la gu haysto ayaa 45% la ga jartaa, wixii kale oo idil na waa la qaatay haddana Xamar iyada oo sidaa fashay ayey heshiiska Berbera ee ‘Berthing Charges & Revenue Customs’ oo ay 100% Somaliland qaadaneyso leedahay waxbaa la dhacay. Hadda ‘Storage, Demurrage & Detention’ ee 100% Albayrak Group ay xaaraanta Xamar kaga qaadatay – Somaliland waxa ay Berbera ku leedahay 30%. Bal caqligaaga la kaasho oo dareenkaaga qofnimo soo jeedi – dabadeedna suuree cidda dhacan ee ildaran.

Mohamed Hagi Mohamoud

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s